Golaha Shacabka: Ma Jirto Cid Kale Oo Awood Sharci u Leh Ka Go’aan Gaarista Maqaamka Muqdisho

0

Guddoonka Golaha shacabka ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa go’aan ka gaaray cidda awoodda u  leh ka go’aan gaarista maqaamka magaalada Muqdisho.

War-saxaafadeed kasoo baxay guddoonka golaha shacabka ayaa lagu sheegay in ugu horreyn ay muhiim tahay in si wadajir ah looga hortago wax walbo oo keeni kara xasilooni darro siyaasadeed iyo khilaafaad dastuuri ah oo dib u dhac kale ku keeni kara habsami u socodka howlaha horyaalla goleyaasha iyo xafiisyada dastuuriga ah.

Ka go’aan gaarista maqaamka caasimadda ayaa qoraalkan lagu sheegay in loo raacayo sida uu dhigayo qoidobka 9-aad ee Dastuurka.

Sidoo kale, guddoonka golaha shacabka ayaa sheegay in golaha shacabku leeyahay awoodda mataaladda shacabka Soomaaliyeed sida uu qabo qodobka 63-aad ee dastuurka, loona baahan yahay in lagu xormeeyo gudashada waajibaadkiisa.

 

Halkaan hoose ka akhriso war-saxaafadeedka:

Warsaxaafadeed Baarlamaanka
Warsaxaafadeed Baarlamaanka

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.