Waxgaradka Beesha Cadaado oo amar dul dhigay Abshir Bukhaari, Wasiir Qoor Qoor iyo Abtidoon Yare

0

Wararka ka imaanaya magaalada Cadaado ayaa sheegaya in waxgaradka iyo Odayaasha deegaanka ay ku qasbeen xubnaha Beesha ugu jira dowladda Federaalka in aanay tagin Dhuusamareeb, kana qeyb gelin Munaasabadda dhameystirka Heshiiska Ahlusuna iyo Galmudug, kaasoo beesha degta Cadaado ay ka soo horjeesatay.

Waxgaradka Beesha Cadaado ayaa si gaar ah xanibaada u saaray Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Aqalka Sare Abshir Bukhaari, Wasiir kuxigeenka Howlaha Guud Axmed Qoor Qoor, Xildhibaan Maxamed Abtidoon Yare oo intaba ka soo jeeda Beesha Cadaado.

Xubnahan ayaa ka mid ahaa Xildhibaano iyo Mas’uuliyiin shalay laga diray Dhuusamareeb, si ay u soo dhageystaan una soo qanciyaan tabashada Beesha Cadaado.

Hase ahaatee kulan saacado badan qaatay oo la isku mari waayay ayay Odayaasha iyo waxgaradka Beesha Cadaado ku adkeysteen in aanay ka qeyb gelin Munaasabadda maanta ka dhaceysa magaalada Dhuusamareeb.

Intaas kaddib ayaa odayaasha dhaqanka waxay amar ku siiyeen Xildhibaanadan in aanay tagi karin Shirka Dhuusamareeb, iyagoo u hoggaansamay amarka iyo talada beeshooda, waxaana ay ku qasbanaadeen inay Cadaado ku haraan.

Beesha Cadaado ayaa ka soo horjeeda heshiiska Ahlusuna iyo Galmudug oo ay u aragto mid dhib ku ah jiritaanka magaalada Cadaado oo maqaamkeeda aan wali la cadeyn, iyadoo heshiiskaas uu u gogol xaarayo in loo guuro Dhuusamareeb.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.