Sarkaal Lagu Dhex Toogtay Dekada Weyn Ee Muqdisho

0

Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Sarkaal Ciidan oo Maanta lagu dhex dilay Gudaha Dekada weyn ee Magaalada Muqdisho.

Sarkaalkaan oo Magaciisa lagu sheegay Siciid Mariin,kaas ayaa Madax ka ahaa qeyb ka mid ah Dekada oo uu u qaabilsanaa Ciidanka Badda ee Somalia, isagoo sidoo kalana ku magacawnaa Taliye Xigeenka Ciidanka Badda, waxaana la sheegay in dilkiisa uu ka dambeeyay nin ku xigeenkiisa ahaa.

Dilka kadib ciidamo ka mid ah kuwa ilaalada Dekada ayaa ninkii Gacan ku dhiiglaha ahaa Gacanta ku dhigay kuwaas oo kala wareegay qorigii uu watay kadibna xabsiga dhigay sida ay  Dalsan u sheegeen saraakiil ciidan.

Weli macada sababta Sarkaalkaan loo dilay welina kama hadlin Saraakiisha ciidamada Badda oo uu ninka la dilay ka tirsanaa iyo Madaxda Dekada Weyn ee Magaalada Muqdisho.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.