Maamulka Koonfur Galbeed Oo Dib U Dhis Kabilabay Dekada iyo Garoonka Baraawe

0

Wafddi uu hoggaaminayo guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya ayaa shalay booqday magaalada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha hoose.

Wafdiga Cabdul Qaadir Shariif waxaa ka mid ahaa arrimaha gudaha iyo wasiirka amniga Koofur Galbeed Soomaaliya waxaana ay qiimeyn ku sameynayaan dhismaha Garoonka diyaaradaha iyo Dekadda Magaalada Baraawe.

Maamulka Koofur Galbeed waxaa uu xarun ka dhigtay Baraawe waxaase uu ku shaqeeyaa Magaalada Baydhaba ee Xarunta Gobolka Baay.

Hadda waxaa uu Maamulka Koofur Galbeed ku howllanyahay sidii uu dib ugu dhisi lahaa Dekadda iyo Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Baraawe,halkaas oo la filayo in Maamulka Koofur Galbeed uu u guuro si uu ugu shaqeeyo caasimaddiisa rasmiga ah.

Maamullada Hirshabeelle iyo Puntland ayaa ilaa hadda ah kuwa ku shaqeynaya Caasimadooha rasmiga ah iyada oo Galmudug ay maanta fileyso in ay heshiis la gaarto Ahlu Sunna si ay ugu guurto Dhuusamareeb.

Maamullada Koofur Galbeed iyo Jubaland ayaa ah kuwa ku shaqeeya magaalooyinka aan caasimadahooda ahayn waxaana ay si KMG ah ugu shaqeeyaan Baydhaba iyo Kismaayo iyada oo maamulka Jubaland caasimaddiisa tahay magaalada Buaale ee Gobolka Jubada dhexe

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.