Heshiiskii Galmudug iyo Ahlusunna Oo Dib U Dhac Kuyimid.

0

Wararka saakay naga soo gaaraya magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobalka Galgaduud ayaa soo sheegaya in uu dib u dhacay shirkii dhameestirka heshiiskii Ahlusunna iyo Galmudug kaas oo lagu balansanaa in maanta lagu soo gaba gabeeyo Xarunta Galmudug ee dhuusamareeb.

Wararka aan helnaya ayaa sheegaya in shirkaan uu ubaaqday wafuudii ka qayb gali lahayd qaarkood ka maqan Dhuusamareeb kuwaas oo la sugayo in maanta ay gaaraan Magaalada.

Dadka maqan waxaa ka  mid ah Madaxweynaha Puntland Cabdi wali Maxamed Cali oo ay shalay diyaaradii qaadi laheyd ee UN ka ay isku dhaceyn.

Sidoo kale Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa ka baaqday Shirkaan qoraal laga soo diray Madaxtooyada Jubbaland ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha uu ka mashquulsan yahay Shaqooyin deegaanka ah sidaasna uusan kaga qayb gali karin Shirka.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.