Dowlada Jabuuti oo Marti gelisay Shir Muhiim Ah

0

Anigoo ku hadlaya Magaceyga iyo Magaca Madaxweynaha Jabuuti iyo kuna hadlaya Afka Shacabka Jabuuti waxaan idin kaga mahad celinayaa kaqeyb galka shirkaani waxaana idinku soo dhaweynayaa shirka 23 aad ee ururka bariga Afrika

Jabuuti waa wadan yar oo ay ku nool yihiin dad ka yar hal milyan oo qof hadane waxa ay u istaagtay ka qeyb qaadashada degenaashiyaha iyo Xasiloonida Wadamada Gobolka ee Xasaradaha ay ka taagan yihiin ayuu raaciyey Wasiirka Gaashaan dhigga Jabuuti.

Waxa uu soo hadal qaaday Sida xal loogu heli karo degenaashiyo iyo kala dambeyn ka taabba gala wadamada ay ragaadiyeen Xasaradaha ee la daalaa dhacaya sidii ay ugu bixi lahaayeen.

Dhibka heysta dariskaaga waxa uu lamid yahay mid adiga ku heysto oo kale Dadka ka ololaya Guriga kugu dhigan waa hubanti in uu kusoo gaarayo hadiisa aad ka qeyb qaadatid damintiisa waa suura gal in aad ka bad baadid ayuu yiri Wasiir Bahdoon.

Dowladda Jabuuti waxaa Soomaaliya ugu sugan Ciidamo ku howlgala Magaca Midowga Afrika ee AMISOM loosoo yareeyo  Bartamaha Soomaaliya ayee si gaar ah ugu howl galaan  iyagoona tababaro Ciidamada Dowladda ee la howl gala.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.