Galmudug iyo Ahlusuna Oo Heshiis koodii Lagu Dhameenayo Maanta Dhuusamareeb

0

Magaalada Dhuusamareeb waxaa ka soconeysa qaban qaabada Munaasabadda lagu soo dhaweynayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi farmaajo iyo wafdigiisa.

Ujeedka Madaxweynaha Soomaaliya uu u tagayo Dhuusamareeb ayaa qeyb ka ah sidii uu uga qeyb geli lahaa shirweynaha lagu dhameystirayo heshiiskii magaalada Muqdisho ay ku kala saxiixdeen Maamulada Galmudug iyo Ahlusuna.

Sida la ogsoon yahay maalmahan magaalada Dhuusamareeb waxaa ku qul qulayay wufuud kala duwan oo ka tirsan Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo xubnaha Beesha Caalamka kuwaasi oo ka qeyb qaadanaya soo dhaweynta Madaxweynaha iyo ka qeyb qaadashada heshiiska dhameystirka ah ee Galmudug iyo Ahlusuna.

Shalay oo ugu dambeysay magaalada Dhuusamareeb waxaa gaaray Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Taabid Cabdi Maxamed iyo wafdi uu hoggaaminayo si ay goobjoog uga noqdaan heshiiska dhameystirka ah ee ka dhacaya magaaladaasi.

Maanta ayaa sidoo kale waxaa la filayaa in magaalada Dhuusamareeb in ay gaaraan madaxda maamul Goboleedyada Dalka kuwaas oo qeyb ka noqon doono shirkaan dib hashiisiinta ah ee u dhaxeeya Galmudug iyo Ahlusuna.

Ammaanka magaalada Dhuusamareeb ayaa si aad ah loo adkeeyay waxaana wadooyinka waa weyn lagu daadiyay Ciidamo hubeysan oo ka tirsan Dowladda Federaalka iyo kuwa Galmudug, Ciidamada ayaa xalay sameeyay Howlgallo amniga lagu xaqijinaayo.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.