Magaalada Gaalkacyo Oo Si Weyn Loogu Soo Dhaweeyay Madaxweyne Farmaajo

0

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Madaxweynaha JFS Soomaaliya iyo Wafdi uu hoggaaminaayo ayaa goor dhow Gaaray Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka mudug.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka diyaardha Magaalada Gaalkacyo kusoo dhaweeyay  madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geele Xaaf, wasiirka arimaha gudaha Cabdi Maxamed Sabriye Taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Genarl Gorod iyo boqolaal ka mid ah Shacabka kunool Magaalada Gaalkacyo.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaana maalmahaan ku sugnaan doona deeganada maamulka galmudug isaga oo booqan doono dagmooyin iyo deegaano fara badan oo ka tirsan maamulkaas,waxa uuna tagistiisa Gaalkacyo qeyb ka yahay Socdaalkiisa oo uu ugu magic daray Socdaalka Nabadda.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.