Kaluumeesato Shaqadoodii Joojiyay Dhibaato Eey Kuhaayaan Ciidanka Naato.

0

Kalluumeysatadaan ayaa ku shaqo waayey dhibaatooyin ay kala kulmeen Ciidamada NATO ee Xeebaha Soomaaliya u joogo la dagaalanka Kooxaha Burcad Badeedda Soomaalida.

Doomi Kalluumeysi sharci darro ah ka wada Xeebaha Soomaaliya ayee sheegeen Kalluumeysatada in Kalluunka ay soo Jilaabtaan ay kasiiyaan.

Waxaa intaa dheer in ay Biyo ku fureen kolka ay kusoo dhawaadaan Doomaha ay wataan Kalluumeysatada Soomaalida, Maraakiibta askarta NATO.

Ku dhawaad 1,500 qof oo ka Kalluumeysanaye Xeebaha Hobyo kuwa ka agdhaw ee Gobolka Mudug ayaa soo food-saartay Shaqo la’aan kadib markii Agabkoodii la bur-buriyey, halka qaarkoodne ay cabsi soo wajahday.

Cismaan Cabdi Shire Waxa uu Howsha Kalluumeysiga ku jiray 17-sano, Waxa uu sheegay in gudaha Badda ay u gali jireen in ka badan 100-Mile, balse Maanta 1-Mile aysan ugu tallaabi karin Xeebaha Mudug.

Cismaan ayaa sheegay in Gacantiisa Midig ay jabiyeen biyo awood ku socda oo looga soo furay Mid kamid ah Maraakiibta Nato, waxa uuna Tilmaamay in ay jiraan dad ay isla Jallaabanayeen ay waxyeelo kala duwan gaartay.

Maalin walba waxaan kaluumeesiga kaheli jirnay 10 dolar oon kumareen jirnay nolosha qooskeena balse hada waxna maheyno ayuu yiri.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.