Howlgalo Laga Sameeyay Baladweyne Kadib Askar Lagu Dilay Halkaas.

0

Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan waxaa saaka ka socda howlgal ay sameynayaan Ciidamada Dowladda Soomaaliya.

Howlgalka waxaa uu yimid kaddib markii askari ka mid ah Ciidamada dowladda oo ku sugnaa Xaafadda Buundaweynee Magaaladaasi xalay la toogtay iyada oo qoladii Askariga dishayna ay baxsadeed isla xilligaas.

Ciidamada ayaa baaraya Xaafadda Buundo weyn ee Magaalada oo uu falku ka dhacay,wararku waxa aay sheegayaan in Ciidamada howlgalka wada ay sidoo kale leeyihiin labo ujeeddo oo ah kala ogaanshaha cidda askariga dishay in ay Al-shabaab yihiin iyo in eey qola kale oo burcad ah yihiin.

Ciidamada ayaana dhallinyarada weydiinaya su’aalo badan oo la xiriira waxa ay ka ogyihiin falka lagu dilay Askari ee xalay ka dhacay Buundo weyn.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.