Ciidanka Danab Oo Bur Buriyay Saldhigii Weynaa Ee Alshabaab Kulahayeen Shabeelada Hoose.

0

War Qoraal ah oo Ka soo baxay Ciidamada kumaandooska soomaaliya ee Danab ayaa Lagu Sheegay In ay bur buriyeen xaruntii ugu weyneed Al-shabaab ay ku lahaayeen Gobolka shabellaha hoose.

Degaanka leego ee Gobolka shabellaha hoose oo Al-shabaab ay ku lahayeen baro kontorool ayaa la bur buriyay ka dib howlgal halkaasi ay ka fuliyeen ciidamada Danab Ee Kumaandooska ah ee Somalia.

Taliyaha ciidamadaasi G/sare Ahmed Cabdullahi sheikh ayaa Sheegay in howlgal Gaar ah ciidamada kumaandooska soomaaliya ay ka fuliyeen degaanka leego ay ku bur buriyeen Saldhigyo Al-shabaab ku lahayeen Halkaasi.

G/Sare Ahmed cabdullahi sheikh waxa uu sidoo kale sheegay in ciidamada kumaandooska ay howlgalka ku dileen ciidamo ka tirsan Al-shabaab kuwaasi oo tiradooda uu ku sheegay 10 Dagaalame.

Saldhigyada ciidamada ay bur buriyeen ayaa la sheegay in Al-shabaab ku qaadi jireen lacago canshuur ah.

Taliyaha ciidanka Danab waxa uu ugu dambeyn sheegay in ciidanka kumaandooska soomaaliya ay xoojiyeen howlgalada lagu ciribtirayo Al-shabaab islaamrkaana looga saryo deegaanada ay kaga suganyihiin gobaladda dalka.

Waxaa Muuqata In uu sii Kordhayo Cadaadiska  Saaran Saldhigyada Al-shabab ku leyihiin Gobolada Dalka Oo Marka Laga Soo Tago Weerarkani qorsheysnaa.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.