Qarax Xogan oo ka dhacay magaalada muqdisho

0

Wararka naga soo gaaraya Degmada Kaaraan ee Waqooyiga Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in qarax xoogan uu ka dhacay Nawaaxiga xarunta Degmada.

Qaraxa ayaa ku jiray haan lagu sii diyaariyay, waxaana jugtiisa laga maqlay qeybo badan oo kamid ah degmooyinka Gobolka Banaadir xili dadka ay Jiifeen.

Goobjoogayaal ayaa shegay qaraxa uu ka dhex dhacay guri ku yaala nawaaxiga Xarunta Degmada Kaaraan, Waxaana goobta durbadiiba gaaray Ciidamo katirsan kuwa Nabad Sugida Somaliya oo guriga ka sameeyay baaritaano la xiriira waxa uu ahaa qaraxa iyo sida lagu keenay guriga.

Maamulka dagmada kaaraan ayaa shegay in lasoo qabtay milkiilaha guriga qaraa ka dhex dhacay ee degmada kaaraan.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.