Sanatar Faroole Oo Cod Dheer Ugu Baqay Maamulka Somaliland

0

Madaxweynihii hore ee Maamulka Puntland haddana ah Sanatar ka tirsan aqalka sare ee Soomaaliya C/Raxmaan Maxamed Maxamuud Faroole ayaa ugu baaqay Maamulka Somaliland in ay ciidamadooda kala baxaan degaannada ay dhawaan kala wareegeen Ciidamada Puntland.

Faroole ayaa ku baaqay in wixii isfahamwaa ah ee ka dhaxeeya labada maamul ay muhiim tahay in lagu dhameeyo wadahadal islamarkaana miiska la isugu tago.

Waxaa uu dhinaca kale Beesha Caalamka ugu baaqay in ay fara geliso colaadda ka soo dhex cusboonaatay Maamullada Somaliland iyo Puntland.

Labada maamul ayaa isugu jawabay warabhinta waxaana maamulka punlant ku eedeyay Somaliland iney taagerto argagixisa .

Dhinaca kale Somaliland ayaa shegtay iney duulan kuyihiin punlant iyo dowlada faderalka somaliya.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.