Muwadiniin Soomaliyeed Oo Xabsi Kuyaala Dalka Hindiya Laga Siidayay.

0

15 Dhalinyaro Soomaliyeed oo loo heystay Dambi Burcad Badeednimo oo loo qabtay January sanadkii2011 ayaa laga sii daayay xabsi ay ku xernaayeen oo Ku yaala dalka hindiya.

Maxaabiista Soomaaliyeed ee laga sii daayay xabsiga ku yaala hindiya ayaa waxaa ay dhameysteen mudo lagu xukumay oo aheyd 7-sano oo xabsi ah.

Sanad ka hor ayaa qareeno waxaa ay u qaadeen racfan ahaa in laga sii daayo xabsiga lagana cafiyo mudada u dhiman,balse maxkamda ku taala dalkaasi hindiya ayaa amartay in ay dhameystaan mudada uga harsaneyd xabsiga.

15-ka dhalinyaro ee Soomaalida ah lagana sii dayay xabsiga hindiya ayaa wali ku sugan dalkaasi Gaar ahan koonfurta magaalada Mombai , meel u dhaw xarun boolis iyagoona sugaya sida la sheegay 27- kale oo xabsigooda ka harsan tahay maalmo kooban kadib ayaana la sheegay in lagu wareejin doono safaarada Somalia ee Dalka hindiya si Somalia dib loogu soo celiyo.

23  bisha labaad ee sanadkaan ayaa sidoo kale lafilayaa in sidoo kale lasoo ciliyo Dhalin yaro kale oo wadankaas hindiya ku xeran xabsiyo ku yaala.

Dhalinyaradaan laga soo daynaayo xabsiyada ku yaala wadanka india ayaa waxay noqonayaan kuwii ugu horeeyay oo soomaali ah oo laga sii daayo xabsiyada wadankaasi.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.