Shirkii Lagu Dhamees Tiri Lahaa Galmudug iyo Ahlusuna Oo Dib U Dhac Kuyimid

0

Maanta oo ay ku beegan tahay 10-ka janaayo waxaa lagu waday in Magaalada Dhuusa Mareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug lagu qabto shirka dhameystirka wada Hadalada Galmudug iyo Ahlu Sunna, walloow dib udhac uu ku yimid.

Ujeedada dhib udhaca Shirka ayee Guddiga qaban qaabada Shirkaan u qaabilsan Ahlu Sunna ayaa sheegeen in ay tahay arrimo Farsamo, dibne uu qabsoomayo Shirka.

Shaacir Sheegow waa Gudoomiyaha Guddiga Qaban-qaabada iyo Soo dhaweynta Ka qeyb galayaasha Shirkaasi, waxa uu u sheegay in ay wadaan ka baaraan dega waqtiga kale ee Suurta galka ah sidii madasha loo dhigi lahaa.

Qaban qaabada Soo dhaweynta Xubnaha ka qeyb galaya Shirka, Sugidda Amniga Magaalada Dhuusa Mareeb, Hagaajinta Nadaafadda, Abaabulka dadka deegaanka si ay kaga qeyb qaataan Soo dhaweynta Martida iyo kuwo kale ayuu sheegay in haatan ay socdaan.

warar hoose ayaa sheegaya in dib udhaca uu sabab u yahay Madaxweynaha Soomaaliya iyo Wafdigiisa oo wali ku sugan Deegaanada Puntland, waxaana Qorshuhu ahaa in isla maanta uu ku sugnaado Magaalada Dhuusa Mareeb si madasha ay u furanto.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.