Saldhiga Ruushka Ee Suuriya Oo Weerar Loo Geestay
Saldhigyada Ruushka ee la weeraray kuna yaalla Suuriya ayaa lagu kala magacaabaa Hmeimim iyo Tartus.
Saldhigga Hmeimim ayaa muhim u ahaa dagaalka ay Ruushka gacanta ku siinayaan madaxwayne Assad.
Xukuumadda Moscow ayaa horey u sheegtay in hoobiyayaal lagu weeraray saldhigaasi bilowgii sanadkan ay ku dhinteen laba askari.
Dowladda Ruushka ayaa gacan ka siisay xukuumadda Assad sidii ay dib ugu qabsan lahayd goobaha ay mucaaradka haysteen.