Qarax ka dhacay wadada Warshadaha ee Magaalada Muqdisho

0

Qarax Khasaare gaystay ayaa wuxuu ka dhacay wadada warshadaha ee Magaalada Muqdisho, kadib markii gaari ay saarnaayeen ciidamada Booliska la qarxiyay.

Qaraxan oo ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso, ayaa lagu soo waramayaa in lala eegtay gaarigaan cabdi bilaha ah ee ciidamada ay saarnaayeen.

Laba askari oo ka tirsan ciidamada Booliska Saldhiga Degmada Dayniile, ayaa dhaawac soo gaaray markii qaraxa miinada ay qabsatay gaarigii ay la socdeen.

Dadka deegaanka ayaa sheegay qaraxa miinada inuu ka dhacay nawaaxiga Ceelka Caafi ee wadada warshadaha, gaariga la qarxiyayna uu ahaa mid ku qoran Saldhiga Degmada Dayniile.

Wadada warshada dhowr jeer ayaa sidaan oo kale qarax ka dhacay waxaana inta badan laga eegtaa gawaarida ciidanka dowlada iyo kuwa Amisom.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.