Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida Oo Xafiis Ka Furaneysa Magaalada Gaalkacyo.

0

Gudoomiyaha maxakmada darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida Xasan Cali Nuur Shuute oo ku sugan Magaalada Gaalkacyo ayaa waxa uu Sheegay in gobalka mudug gaar ahaan magaaladaa Gaalkacyo laga Hirgalinayo xafiiska maxkamada Darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida si ay ula shaqeeyaan Ciidamada Xasilinta ee dhawaan laga hergaliyay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

“Xasan Cali Nuur shuute ayaa wax uu yiri “ waxaan idin kaga mahadcelinayaa shaqada adag ee ad qabateen idinka oo aan helin wixii xuquuq aad u bahnaydeen.

Halkaan waxan u imaanay in an ka herglino xafiiska maxkamada ciidamda qalabka  sida si ay ula shaqeyso ururka dhawaan laga hirgalinayo magaalada Gaalgacyo iyo Sidoo kale ciidamada xasilinta ee la geeyay Magaaladaas

Gudoomiyaha maxkamada ciidamada qalabka sida ayaa waxa uu ka mid ahaa wafdi uu hogaminayey taliyaha ciidmada xooga Dalka oo ku sugan magaalada Gaalkacyo.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.