Jawiga Deeganka Tuka raq waa side sakay

0

Waxaa maanta dagan goobihii shalay lagu dagaalamay ee deegaanka Tuka-raq , dagaalkaas oo u dhaxeeyay Ciidamo kala taabacsan maamuladda puntland iyo soomaaliland, siyaabo kala duwan ayeyna ugu hadleen dagaalka shalay halkaas ka dhacay labada dhinac.

Xariir aan lasameyay dadka deegaanka ayaa waxay u xaqiijiyeen in wali deegaanka laga dareemayo xiisad colaadeed, waxaana dadka ay cabsi ka muujiyeen in markale dagaal uu hal kaas ka qarxo.

Waxaa kaloo dadka deegaanka ay sheegeen in ay socoto abuubul ciidan oo ay wadaan labada dhinac ee deegaankaas Tuka-raq isku haaya.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.