Ciidamada Somalilad oo la wareegay deegaanka Tukaraq iyo dagaal ka socda God Qaboobe

0

Wararka ka imanaya gobolka Sool ayaa sheegaya in ay ciidamada Somaliland la wareegeen deegaanka Tukaraq halka ay sidoo kale weeraree deegaanka God Qaboobe oo ka tirsan gobolka Sool.

Dadka degaanka ayaa sheegay in tuulada saaka aroortii uu ka dhacay dagaal kooban oo u dhaxeeyay Ciidamada Somaliland iyo Puntland, islamarkaana ugu dambeyntii ay qabsadeen ciidamada Somaliland.

Tukaraq ayaa hoos timaada degmada Laascaanood waxayna ahayd meel ay isku hor fadhiyeen ciidanka Somailand iyo Puntland.

Dhinaca kale, Ciidamada maamulada Somaliland iyo Puntland ayaa ku dagaalamaya deegaanka lagu magacaabo God-qaboobe oo dhanka Puntland kasoo xiga degaanka Tukaraq ee gobolka Sool oos aaka ciidamada Somaliland ay qabsadeen.

Sida ay xaqiijiyeen dadka degaanka dagaalka ah ayaa ah mid xooggan, waxaana labada dhinac ay isku adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.