Al-shabaab Oo Jaray is gaarsiintii gobolka waqooyi bari ee kenya

0

Saraakiil u hadashay dowladda Kenya ayaa sheegtay in Rag ay ay u maleynayan inay ka tirsanyihiin  AL-shabaab ay jareen Isgaarsiintii Magaalada Katulo ee Waqooyi Bari Dalka Kenya.

Taliyaha booliska Wajeer  Stephen Ngetich,ayaa xaqiijiyay in niman hubeysan ay gantaal ku dhufteen dhismaha Laanta Shirkadda Safaricom ee Magaalada Katulo halkaas ay ku burburtay anteenadii sahleysay wada xiriirka dadka degaanka iyo dalka Kenya intiisa kale.

Waxaa uu sheegay in saraakiisha iyo Ciidamada Kenya ee degaankaas ay badqabaan islamarkaana uusan jirin qof ay wax ku gaareen weerarka AL-shabaab ee Magaalada Katulo.

Weerarkan ayuu sheegay in uu dhacay Axaddii ayadoo Ciidamada Amaanka ee fadhigoodu yahay Ceelwaaq iyo Kuwa Katulo uu xiriirkooda jarmay muddo kooban hayeeshee markii dambe la adeegsaday isgaarsiinta dowladda u gaarka ah.

Stephen Ngetich,waxaa uu xusay in aysan oggolaaneyn in Nabadda iyo amniga Wajeer oo uu sheegay in uu hadda wanaagsan yahay aan la caqabadeyn karin,ayna ku dadaalayaan sidii ay uga hortagi lahaayeen weerarrada Al-shabab ee degaankaas.

Al-shabaab dhinacooda kama hadlin weerarka ay Kenya ku eedeysay waxaana Kenya marwaliba sheegtaa in weerarrada ka dhaca degaankaas ay fuliyaan AL-shabaab,kuwaas oo inta badan lala beegsado Ciidamada Kenya iyo dadka Kenyaanka ah ee aan u dhalan Gobolka Waqooyi Bari.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.