Saldhiga Dagmada Hurwaa Oo Weerar Lagu Qaday

0

Dagaalamayaal hubeysan ayaa weerar ku qaaday Saldhigga Ciidamada Booliiska Soomaaliya ee ku yaala degmada Heliwaa ee gobalka Banaadir waxa uuna socday muddo ku dhaw 20 daqiiqo.

Goob joogayaal ayaa xaqiijiyay in dagaalka uu ahaa mid waqti kooban socday balse ahaa mid culus waana weerarkii ugu horeeyay ee dhawaan ka dhaca degmadaasi iyo magaalada Muqdisho.

Ciidanka Dowladda ayaa iska caabiyay raggii soo weeraray iyadoona ay dib ugu celiyeen halkii ay weerarka ka soo qaadeen Ciidanka ayaana isu fidiyay wadooyinka soo gala saldhigooda la weeraray.

Dhinaca Kale Howlgal xoog leh ayaa ciidamada amaanka waxa ay ka sameeyeen xaafadaha magaalada Muqdisho howlgalka ayaa meelaha laga sameeyay waxaa ka mid ah degmooyinka Shibis Yaaqshiid iyo Boondheere waxaana lagu qabtay in ka badan 200 oo dhalinyaro ah.

Maamulka Gobalka ayaa sheegay in dhalinyarada intoobadan la sii daayay balse ay ku jiraan gacanta amaanka shaqsiyaad la tuhmay oo baritaano lagu wado.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.