Amiir Kuxigeenkii Alshabaab Oo La Dilay

0

Qaar ka mid ah Saraakiisha ciidamada xoogga Soomaaliya ee ku sugan gobalka Shabeelaha Hoose ayaa sheegay in ay dileyn ku xigeynkii amiirka Alshabaab ee gobalka Shabeelaha Hoose.

Saraakiisha xoogga ayaa sheegay in sarkaalkaan lagu dilay Howlgal ay ciidamada milatariga ka sameeyeen degmada Aw dhiigle ee gobalka shabeelaha Hoose kadib dagaal kooban oo halkaasi ka dhacay.

Sarkaakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa xaqiijiyay dilka ku xigeenkii Shabaab ee Gobolka Shabeellaha Hoose kaasi oo lagu magacaabi jiray Maxamad Abuu Cabdalla.

Ma jirto ilo ka madaxbanaan Saraakiisha Ciidamada xoogga oo hadalkaan xaqiijiyay dadka deegaanka ayaa sheegay in uu jiro dagaalka balse aysan ogayn dadka ku dhintay waxa ay ahaayeen Alshabaab ilaa hadda kama hadlin hadalka ka soo baxay Saraakiisha Ciidamada Xoogga Soomaaliya ee gobalka Shabeelaha Hoose.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.