Raiisal wasaare Khayre Sadex Wasiir Xilkii Kaqaday Sadex Kalana Magacabay

0

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Eng Cabdi raxmaan Cumar Yariisow oo saakay ka soo Muuqday Telefishinka Qaranka Soomaaliya ayaa sheegay in Raiisal Wasaare Xasan Cali Khayrre uu xilkii ka qaaday 3 Ka mid ah Golahiisa wasiirada Waxaana la magacaabay kuwii lagu badalay.

Wareegta ka soo baxday Xafiiska Raiisal Wasaaraha uu wasiirka Aqriyay ayaa xilkii looga qaaday Wasiirada Arimaha Dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar Wasiirka Arimaha Gudaha Federalka, iyo Dib u heshiisiinta Cabdi Faarax Saciid Juxa iyo Wasiirkii Ganacsiga Soomaaliya Qadro Axmed Jimcaale.

Sidoo kale Waxaa la magacaabay Sedax Wasiir oo cusub waxaana ay kala yihiin Wasiirka Ganacsiga iyo Warsadaha Soomaaliya Maxamed Cabdi xayir Maareye oo hore usoo noqday wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Wasiirka Arimaha Dibada Soomaaliya Ambasadoor Axmed Ciise Cawad halka Wasiirka Arimaha Gudaha Federalka iyo dib u heshiisiinta loo magacaabay Cabdi Maxamed Sabriye.

Sidoo kale Isbadalkaan ayaa muujinaya in saameyn ku yeeshay Nidaamka Awood qaybsiga Soomaaliya ee ku dhisan Awood qaybsiga Beelaha.

Warar hor dhac ah oo la helay ayaa sheegaya in la isku badalay Wasiirada Arimaha Dibada iyo Arimaha Gudaha marka laga hadlayo Nidaamka Awood qaybsiga Soomaaliya.

Xasan Cali Khayrre ayaa hore xilkii uga qaaday Wasiirkii Arimaha diinta iyo Awqaafta xilkaas oo aan wali badalkiisa la magacaabin halka ay hore isku casi shay Wasirka gargaarka iyo Maaraynta Musiibooyinka Maryan Qaasim oo aan iyadana wali badalkeeda la magacaabin.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.