Alshabaab oo Sheegtay Masuuliyada dilka loo geystay Aabaha dhalay gudoomiyaha Maxkamada ciidamada daraja koowaad.

0

War ka soo baxay Dagaalamayasha Al-Shabaab ayaa sheegtay in masuuliyadda dilkii loo gaystay Cali Nuur Shuute oo ah Aabaha dhalay Xasan Cali Nuur Shuute oo ah Gudoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Somaliya.

 

Sidoo kale Shabaab ayaa waxaa ay sheegeen in Cali Nuur uu Maamulka Gobolka Banaadir u qaabilsanaa waaxda dhul bixinta,waxaana ay dilkiisa ku sheegeen in ay fuliyeen Ciidamo ka tirsan dagaalamayaasha Al-shabaab.

 

Dilka marxuumka ayaa wuxuu ka dhacay Degmada Dharkiinley ee Gobolka Banaadir, gaar ahaan Suuq Boocle, waxaana Al-Shabaab ay Sheegeen in kooxihii dilka fuliyay ay goobta ka baxsadeen,sida ay hadalka u dhigeen.

 

Magaalada Muqdisho habeen ka hor waxaa  lagu dilay  Sarkaal ka tirsanaa Milatariga Soomaaliya kaasi oo lagu  magacaabayay Maxamed Xasan.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.