Shabaab Sar gaalo ah oo isku soo dhiibay Maamulka Konfur Galbeed

0

Afayeenka maamulka K/Galbeed Nuuradiin Yuusuf Abuukar ayaa sheegay in ay isku soo dhiibeyn Saraakiil sare oo ka tirsan Dagaalamayaasha Al-Shabaab kuwaas oo ku sugnaa K/Galbeed.

 

Afayeenka ayaa sheegay in degmada Buur-hakaba ee gobalka Baay ay iska soo dhiibayn Labo Dagaalame oo ka tirsanaa Al-Shabaab kuwaas oo hada Gacanta ugu jira Ciidamada amaanka Koofur Galbeed.

 

Saraakiisha isa soo dhiibtay ayaa ka tirsanaa Qeybta amniyaadka sida uu sheegay afayeenka waxayna ku sugnaayeen Dhulka Baadiyaha ah ee degmada Buur-hakaba waxayna la soo xariirayn maamulka degmadaasi.

 

K/Galbeed ayaa sheegtay in maalmahaan ay soo kordhayeen dagaalamayaasha ka soo goosanaya Al-shabaab, waxayna iska soo dhiibayn intooda badan Gobalka Baay, hore ayaa koofur Galbeed soo Bandhigtay saraakiil iyo dagaalamayaal ka soo goostay Al-Shabaab.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.