Gudoomiyaha Degmada Bardaale Ciidamo Hana La Soogaaro

0

guddoomiyaha degmada Bardaale ee gobalka Baay Saalax Axmed Shiikh ayaa sheegay in ay wadaan qorshe ay ku sugayaan amaanka degmadaasi.

 

Guddoomiyaha ayaa sheegay in qorshahooda dhinaca amniga ay dhabar jab ku tahay Ciidamo Booliis ah oo aysan heysan, waxayna maamulka K/Galbeed ka dalbadayn in la siiyo Ciidan Booliis ah oo ka qeyb qaata amaanka degmadaasi.

 

Guddoomiye Saalax ayaa sheegay in madaxda K/Galbeed ay ka dalbadayn in la soo diro Ciidan Booliis ah ama loo tababaro dhalinyo deegaanka ah si loo helo xal dhab ah oo dhinaca amaanka.

 

Bardaale oo ku taala gobalka Baay, hada kama taagna caqabado dhinaca amaanka ah, waxayna ka mid tahay degmooyinka aysan ka dhicin dilalka iyo weerarada Shabaab inkastoo aysan dadka deegaanka muhiim u tahay in ay helaan Ciidan Booliis ah.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.