Xaflad lagu daah furaayo Maamulida Hawada Soomaaliya oo ka dhaceyso magaaladda muqdisho

0

Diyaar garowgii u dambeeyay oo lagu Daah furayo Xafladda la wareegidda Maamulka Hawada Soomaaliya oo in ka badan 27 sano kadib ayaa  ka socota magaalada Muqdisho.

 

Xafladaan ayaa lagu wadaa in uu ka qeyb galo Madaxweynaha Soomaaliya iyo Madaxda Dalka,sidoo kale waxaa lagu wadaa iney kaqeeb galaan wakiilada Beesha Caalamka ee ku sugan magaalada Muqdisho.

 

Maalmo ka hor ayaa la soo bandhigay muuqaalo muujinaya in ay Soomaaliya lagu rakibay Qalabkii laga Maamuli lahaa Hawada Soomaaliya waxaana soo bandhigay Wasaaradda Gaadiidka Cirka iyo Mas’uuliyiinta Hay’adda Duulista Hawada Soomaaliya.

Qalabkan lagula socon doono maamulka hawada ayaa lagu rakibay xarunta Hey’adda Duulista iyo Saadaasha Hawada, iyadoo dad loo tababarayo inay ku shaqeeyaan qalabkan.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.