Taliyaha Nabadsugidda Oo La Filayo in Maanta la Magacaabo.

0

Shirka Golaha wasiirada ee khamiislaha ah ayaa lafilayaa in lagu magacaabo Taliyaha Hay,adda Nabadsugiidda iyo sirdoonka Soomaaliya.

 

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in ay jirto baahi weyn oo aan dib loo sii dhigi karin magacaabista taliyaha hay,addan waxa ayna aad ugu badantahay in shirka golaha lagu magacaabo haddii aysan imaan isbedel.

 

Warar hordhac ah oo HornAfrik heshay ayaa sheegaya in laga yaabo xilkan in loo magacaabo Maareeyihii Hore ee Dekadda Muqdisho, Cabdi Jiinoow.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.