Madaxweyne Waare Alshabaab Halis Ayay Kuyihiin Deeganada Hirshabeelle

0

Isagoo ka hadlayay magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabeelle Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa waxa sheegay in maamulkiisa uu culees badan kala kulmayo Dagaalamayaal tira badan oo Shabaab ah kuwaas oo soo gaaray deegaanada Maamulka Hirshabeelle.

 

Madaxweyne Waare ayaa sheegay in Shabaabka ay ku soo xoogeesteyn deeganadooda kadib markii ay ka soo cararayn Duqeyma ka socda Shabeelaha Hoose Jubbooyinka iyo Baay iyo Bakool, waxa uuna Madaxda Dowladda ka dalbaday in laga taageero dhinaca amniga.

 

Madaxweyne Waare ayaa sheegay sida ay xogta ku heleen qaar ka mid ah Shabaabka soo gaaray deegaanada Hirshabeelle in ay ku sii socdaan Gobollo dhinaca Waqooyiga kaga beegan maamulkiisa oo ay ugu horeyso Puntland.

 

Waare ayaa sheegay in loo baahan yahay Iskaashi iyo wadajir si looga adkaado Dagaalamayaasha Al-Shabaab, waxa uuna sheegay in ay sii dabar go’ayaan Dagaalamayaasha Al-Shabaab

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.