Jubbaland Oo Cod Dheer Ugu Baaqday Madaxda Dowlada Dhexe

0

Wasiirka Amniga jubbaland ayaa waxaa fahfaahin ka bixiyay  xiisada ka soo cusboonaatay  magaalada Beledxaawo ee gobolka Gedo, kadib markii darbiga Kenya ay ka dhiseyso xuduuda labada dal ee Soomaaliya iyo kenya.

 

hayeeshee  Dhacdadan ayaa si kulul waxaa ay u kicisay bulshada ku nool Magaalada Baled Xaawo, waxayna maalmihii la soo dhaafay dhigeen bannaanbaxyo rabshado wata, iyagoona gacmaha ula tagey Ciidanka Kenya.

 

Wasiirka Amniga Jubbaland oo gaaray Degmada Baled Xaawo, ayaa kula kulmay Maamulka Degmada iyo qaybaha bulshada, waxaana uu u sheegay inaanan Kenya looga aamusi doonin xadgudubkeeda ka dhanka ah dhulka Soomaaliya

 

Sikastaba ha ahaatee dowlada Kenya, ayaa horey u sheegtay in darbi weyn ay ka dhiseyso xadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo kenya,inkastoo arintan ay ka hortimid dowlada federaalka Soomaaliya

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.