Maxkamadda Racfaanka Oo Dib U Mudaysay Dhagaysiga Dacwadii Loo Haystay C/raxman C/shakuur.

0

Maxkamadda Racfaanka ayaa Qoraal ay soo saartay dib u mudaysay Dacwad la sheegay in loo haysto Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur oo Maanta dib u dhacday, kadib markii uu kala noqday Siyaasigu Qareenadiisa Wakiilkii ay ugu ahaayeen Dacwadiisa.

Qoraalkan oo Nuqul ka mida ay heshay HornAfrik ayaa lagu sheegay in Taariikhdu markay tahay 3 Bisha soo socota in la mudeeyay Dacwada loo haysto Siyaasi C/raxmaan C/shakuur, Waxaana Warqadda la faray inay gaarsiiyaan Taliyaha Booliska Qaybta Guud ee Gobalka Banaadir, iyo Taliyaha Saldhiga Booliska Degmadda Wadajir, Iyadoona la faray Xafiiska Xeer Illaalinta inay ka soo qayb galaan Dacwadaasi.

Dacwadda Maxkamadda Racfaanka oo u mudaysanayd inay dhacdo Maanta ayaa u baaqatay, kadib markii ay Qareenadda Siyaasiga geeyeen Maxkamadda Warqad uu u soo qoray C/raxmaan C/shakuur oo uu kala noqday Ruqsadii ay ku difaacayeen, kuna cadeeyay inaysan wax wakiil ah uga ahayn Dacwo dambe.

December 21, 2017: Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa sheegtay in C/raxmaan lagu waayey wax dambi ah, islamarkaana uu xor yahay, waxaana sidoo kale maxkamaddu sheegtay inaan dacwaddan wax racfaan ah laga qaadan karin.

Halkan ka Akhriso Warqadda Maxkamadda

U Yeeritaan Maxkamadeed
U Yeeritaan Maxkamadeed

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.