Akhriso Siyaasi C/raxmaan Cabdi Shakuur Oo kala noqday Wakiilashadii Qareenaddii Difaacayay, Diidayna u yeeritaanta Maxkamadda Racfaanka.

0

Sida ku cad Dukuminti ay heshay HornAfrik Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur waxa uu gabi ahaanba ku gacan sayray inuu taggo Maxkamadda Racfaanka ee Gobalka Banaadir, isagoona kala noqday Ruqsadii Wakiilashadda Qareenaddii ku difaacayay Maxkamadda Gobalka Banaadir.

Maxkamadda Racfaanka waxay shalay soo saartay Qoraal ay ugu yeerayso Qareenadda C/raxmaan C/shakuur si loo furo Dacwadii ka dhacday Maxkamadda Gobalka Banaadir oo wax dambiya lagu waayay, balse ay racfaan ka qaateen Xafiiska Xeer Illaaliyaha Guud ee Qaranka.

December 21, 2017: Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa sheegtay in C/raxmaan lagu waayey wax dambi ah, islamarkaana uu xor yahay, waxaana sidoo kale maxkamaddu sheegtay inaan dacwaddan wax racfaan ah laga qaadan karin.

Halkan ka Akhriso Warqadda uu soo saaray Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur oo uu kala noqday Wakiilashadii Qareenaddii difaacayay.

Abdirahman Abdishakur
Abdirahman Abdishakur

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.