Kenya oo feejignaan sare gelisay ciidamadeeda inta lagu jiro maalmaha ciida Masiixiga

0

Dowladda Kenya ayaa feejignaan sare gelisay Ciidamadeeda, inta lagu jiro maalmaha ciida masiixiga ah, iyadoo dhaq dhaqaaq amni laga dareemay magaalooyinka ku dhow xuduuda Soomaaliya.

Warbaahinta Kenya ayaa ku warantay in saraakiisha ammaanka ay ka digayaan weeraro suurta gal ah oo Al-Shabaab ay ka geystaan magaalooyinka, inta lagu guda jiro ciida Masiixiga.

Ciidamada Booliska iyo kuwa Ilaalada Xuduuda ayaa loo diyaariyay, si ay uga hor-tagaan weeraro uga yimaada Al-Shabaab.

Taliyaha booliska dalka Kenya Joseph Boinnet ayaa waqti hore sheegay laamaha ammaanka Kenya inay ka war hayaan koox ka tirsan Al-Shabaab oo damacsan weeraro qorsheysan inay ka fuliyaan dalkaas.

Kenya ayaa sheegtay inay keynta Boni iyo magaalooyinka dhaca gobolka xeebta ay kula dagaalameysa kooxo taageersan Al-Shabaab oo horay weeraro uga fuliyay.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.