Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakur Oo Dhaliilay Dowladda, Kana Hadlay Sida Loo Xiray

0

Siyaasiga Mucaaradka Cabdiraxmaan Cabdiashakur oo maanta shir jaraa’id ku qabtay hoygiisa ayaa dhaliilay sida ciidamada dowladda u soo weerareen oo ay ilaaladiisa u laayeen.

“ Halkani waa halkii la igu soo weeraray , dowladda ciidan ka socda gaar ahaan NISA oo ay nagu soo qaadeen, weerar habeen saqdhexe ah iyada oo aan la socon wax horudhac ah albaabka ayey nagu soo jabiyeen, waxaa ugu horreeyay oo ay qabteen waxay aheyd in ay laayeen ilaaladii oo markaas kala daadsan oo aan diyaarsaneyn,  kuligoo waa ay dileen…..  Sidaas daraadeed waxaan halkaani ka cadeyneynaa in nagula soo qaaday weerar la doonayey in nalagu qaarijiyo  mas’uuliyadda weerarkaas waxaa iska leh maxamed cabdullahi farmaajo”

Mudane Cabdiraxmaan Cabdishakur oo sii hadlaya waxaa uu intaasi ku daray in uu la kulmay ehalada ilaaladii la laayey iyaga oo aad ula yaaban sida dadkooda loo laayey isla markaana dhaqid iyo salad loo diiday hal god lagu wada shubay.

Siyaasiga waxaa uu sheegay in arrinta lagu laayey ay tahay fatwo ay culimada ka dambeeyeen maadaama ay wadeen olole isaga ka dhan ah isaga oo intaasi raaciyay in masaajidyada ka sheegaan oo sababeeyaan oo sax ka dhigaan wixii la iigula kacay.

Dhinaca kale, Cabdiraxmaan Warsame waxaa uu aad u dhaliilay in lagu bartilmameedsado ra’yigiisa “Hub ma heysanno, dhufeysyo kuma jirno, dad la yaqaano ayaa nahay, oo siyaasadda dalkan ka soo shaqeeyay, kaalimo waaweyn ka soo qabtay, dib u heshiisiinta dalkan wax ka keenay ..waa nala yaqaana, doorashada ka qeybgalay, Farmaajo ninka uu codkiisa weydiisto ayaan ahaa wareegga 2aad, codka iga baryey, magaaladan ayaan joogaa, xisbi ayaan guddoomiye u ahay, nin la yaqaano ayaan ahay, ma hubeysni, dagaal kuma jiri,  haddii marka codkeyga iyo dhaliisha aan u jeedinaayo dowladda ay dhibtay Maxamed Cabdulahi Farmaajo waxaa laga rabaa dastuurka in baa’biyo, waxaa laga rabaa in dimoqoraadiyaddii lagu soo heshiiyay baa’biyo, dalkan u celiyo 90kii wixii ka horeeyay.

C/raxmaan C/shakuur waxa uu xusay in in ka badan 26,000 Ciidamo Nabad Illaalin ah ay u joogeen Soomaaliya inay na kala illaaliyaan, balse markii arrintaas laga soo kabsaday oo aan isku soo dhawaanay, marka laga reebo Alshabaab oo hubaysan ay dib noo celiyeen Madaxda hogaanka hadda haysa, Wuxuuna hoosta ka xariiqay inaan Dalkaan lagu aamini karin wax uu ugu yeeray Mooge.

C/raxmaan waxa uu ballanqaaday inay isku arki doonaan isaga, Farmaajo iyo Khayre Fagaarayaal Caalami ah oo ay Sharciga ku kala bixi doonaan, wuxuuna sheegay in Dastuurku uu u fasaxayo inuu ka dacwoon karo Maxkamado Caalami ah, isagoo sheegay inuu la tiigsan doono Garsoorka Dalalka ay Jinsiyadaha ka haystaan ee Norway iyo Maraykanka.

Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir waxa uu sidoo kale sheegay inay ka warhayaan Liis Xildhibaano iyo Siyaasiyiin kale oo la doonayay in la khaarajiyo, isagoona ka digay cawaaqibka ka immaan kara arrimahaasi, Wuxuuna sheegay in haddii ay wax gaaraan, isaga iyo xubnaha kale ee Xisbigiisaba uu masuul ka noqon doono Madaxwayne Farmaajo.

Cabdiraxmaan Cabdishakur waxaa todobaadkii hore lagu xiray Muqdisho isaga oo goor habeen ah loo dhacay hoygiisa, waxaana la soo daayey kadib markii maxkamadda gobolka Banaadir ku weysay wax dambi ah.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.