Shacabka Beledxaawo oo banaan bax kala hortagay Ciidamo Kenyan ah oo gudaha u soo galay

0

Wararka ka imaanaya degmada Beledxaawo ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya inuu maanta ka dhacay banaan bax looga soo horjeeday isku day ay ciidamada kenya ku doonayeen inay ku calaamadeeyaan qeybo ka mid ah Beledxaawo, isla markaana dumiyaan guryo ku yaalla agagaarka Xuduuda, si ay u mariyaan dhinacooda

Ciidamada Kenya oo watay gawaarida gaashaaman iyo baldoosaro ayaa markii dambe waxaa ka hortagay dadka deegaanka, oo dhagxaan ku tuurayay ciidamada

Ciidamada Kenya ayaa rasaas cirka ugu riday, inkastoo aanay wax khasaare ah sababin isku dhacyada, waxaana markii dambe ay Ciidamada Kenya dib ugu laabteen dhanka Mandhera oo ay markii hore ka soo tallaabeen.

Dowladda Kenya ayaa horay u sheegtay inay darbi ka dhiseyso xadka ay wadaagaan Soomaaliya, si ay uga hortagto weerarada Al-Shabaab

Xiisada ka taagan xuduuda u dhaxeysa Mandhera iyo Beledxaawo ayaa maalmihii la soo dhaafay soo jiitameysay, iyadoo isku dayga Kenya uu ahaa in qeybo ka mid ah Beledxaawo ay ku daraan dhankooda

Isku dhacyada iyo dibad baxa ka dhacay Beledxaawo ayaa saameyn ku yeeshay dhaq dhaqaaqii ganacsiga degmada, iyadoo dadweynaha ay ka careysnaayeen calaamadeynta ay wadeen Ciidamada Kenya.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.