Faah Faahinta Qarax ka dhacay Qabuuraha Gen Daauud ee Muqdisho

0

Qarax Xooggan ayaa ka dhacay goor dhawayn Qabuuraha Gen Daauud ee Degmadda Wardhiigleey, iyadoona Qaraxaasi uu qaystay Khasaare aan badnayn.

Goobjooge ayaa HornAfrik u sheegay in Qaraxu uu ka dhashay Qashin la gubayay oo ay ka dhex qaraxday Miino ay suurtagal ahayd in meesha ay ku aaseen Kooxaha Argagixisadda ah, Waxaana Qaraxaasi uu sababay Khasaare Dhaawacyo u badan.

Ciidamadda NISA ayaa markiiba gaaray goobta uu Qaruxu ka dhacay, waxaana ka socda Baaritaano.

Soomaaliya waxay ka mid tahay Dalalka ay dhibaatadda ku hayaan Miinooyinka dhulka lagu aaso, kuwaasoo khasaarooyin kala duwan gaysta.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.