Maxkamadda Gobalka Banaadir Oo Si Buuxda Xoriyadiisa u Siisay Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur.

0

Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur oo dhowaan ay xireen Ciidamadda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ayeey Maanta si buuxda Xoriyadiisa dib ugu soo celisay Maxkamadda Gobalka Banaadir.

Dacwad billaabtay Saakay oo uu Garsoore ka ahaa Gudoomiyaha Maxkamadda Gobalka Banaadir, ayna iska soo horjeedeen Xeer Illaaliye Ku Xigeenka Qaranka, Dr Maxamad Xasan Nuur iyo Garyaqaan Tahliil ayaa la isku dhaafsaday Doodo adag, Waxayna labada dhinacba kala cuskanayeen Qodobo Dastuuri ah, iyadoona aan goobta lagu soo bandhigin wax cadaymo ah oo muujinaya inuu dambi galay Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur marka laga reebo Eeddo ay Xeer Illaalintu ka akhrisay goobta.

Ugu dambayn Garsoorayaashii Dacwadda qaadayay ayaa ku dhawaaqay Go’aanka Maxkamadda. Waxaana la cadeeyay inay Sharci darro ahayd tallaabadii lagu weeraray Guriga Siyaasi C/raxmaan C/shakuur, iyadoona si buuxda Maxkamaddu Xoriyadiisa u siisay C/raxmaan C/shakuur.

Xafiiska Xeer Illaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa codsaday inuu Racfaan ka qaato Xukunka Maxkamadda, waxaase loo sheegay inaan wax racfaan ah la qaadan Karin.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.