Al-shabab oo sheegtay in Gaadiid dagaal ay ku qabsatay Waddada Afgooye iyo Wanla Weyn

0

Kooxda Al-shabaab ayaa sheegtay in Saddex Gaari oo kuwa Dagaalka ah ay Ciidamada Dowladda ee uu saldhigoodu yahay Garoonka Balli-doogle ee Gobolka Shabeellaha hoose kaga qabsatay dagaal ku dhexmaray iyaga iyo ciidamadaas oo marayay Waddada xiriirisa Afgooye iyo Wanlle Weyn.

Al-shabaab waxaa ay sheegeen in dagaalka oo socday wax ka badan Saacad ay ku guuleysteen in ay qabsadaan saddex Gaari,sidoo kalena ay gubeen Gaari nooca Cabdi Bilaha ah oo ay waxyeello gaartay intii uu dagaalka socday.

Waxaa kale oo ay sheegeen in 10 ka mid ah Ciidamada Dowladda ay ku dileen weerarkaas,iyaga oo aan dhinacooda sheegin khasaaraha gaaray.

Dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Koofur Galbeed wali kama hadlin sheegashada Al-shabab ee dagaalka ka dhacay inta u dhaxeysa Afgooye iyo Wanlle weyn oo ka wada tirsan Gobolka Shabeellaha hoose.

Maleeshiyadda Al-shabaab ayaa weerarro dhabba gal ah ku sameeya Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ee jooga koofurta iyo bartamaha Soomaaliya.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.