Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur oo La Sii Daayay, Iyadoona lagu heshiiyay in Maxkamad lagu kala baxo+Sawir

0

Wadahadal qaatay Saacado oo la isku mari la’aa ayaa ugu dambayn la sii daayay Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur, iyadoona la isku raacay in Sharciga lagu kala baxo. Waxaana lagu heshiiyay in Maxkamadii ay sideedii u sii socoto.

Wadahadalka ayaa illaa galabta la isku mari la’aa inay qaadato Dowladda Somalia Masuuliyadda wixii dhacay, iyadoona Guddi ka socday Dowladda oo uu horkacayay Wasiirka Amniga Qaranka ay diideen inay saxiixaan inay qaateen Masuuliyadda qaladkii dhacay, basle ay afka kaga dhawaaqeen inay oggol yihiin, waxayna taasi adkaysay in xal la gaaro, Iyadoona Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur uu ku adkaystay in la siiyo Dukuminti ay Dowladdu ku qiranayso inay Gurigiisa qalad ku weerartay ama Maxkamad la isla aado, Waxaana ugu dambayn ay Dowladdu aqbashay in Maxkamaddu ay sideedii u sii socoto, Siyaasigana uu Maxkamadda isagu iskiis u tago.

Wadahadaladan ayaa waxaa qayb ka ahaa Xildhibaanadda Baarlamaanka ee Beelaha Hawiye, Odayaasha Dhaqanka ee Beelahaasi, iyo Wasiiradda ugu jira Dowladda oo matalayay dhinaca Xukuumadda. Waxaana Heshiiska wada saxiixay Wasiirka Amniga Qaranka, Xildhibaano, Odayaal Dhaqameed, iyo C/raxmaan laf ahaantiisa.

C/raxmaan C/shakuur ayaa 17 kii Bishan ay Gurigiisa ku weerareen Ciidamo ka tirsan NISA, Waxaana weerarkaasi lagu dilay 4 ka mida Illaaladiisa, Darawalkiisa, iyo Gabar Shaqaale ahayd, Waxaana isagana ka soo gaaray Dhaawac Fudud, iyadoo kadibna loo taxaabay Xabsiga Habar Khadiijo.

Shalay ayuu C/raxmaan ka soo muuqday Maxkamadda Gobalka Banaadir, Waxaana Garsoorihii qaadayay Dacwadiisa uu cadeeyay inaan sharci loo marin Tallaabadda lagu galay Gurigiisa, isagoona sidoo kale iska diiday Eeddo ay ku soo oogeen Xafiiska Xeer Illaalinta Qaranka, Wuxuuna dalbaday in cadaymo ay ku keenaan 24 Saac, Iyadoona loo madlan yahay in Bari mar kale Maxkamaddu furanto.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.