Shabaab Oo Saddex Ruux Ku Gowracay Gobolka Bakool

0

Wararka naga soo gaaraya Gobolka Bakool  gaar ahaan deegaanka Abal ayaa waxa ay sheegayaan in duleedka deegaankaasi ay Shabaab ku Gowaraceen Saddexda Ruux oo dadka deegaanka ka mid ahaa.

Dadka la gowracay ayaa ahaa Odayaal Dhaqameed si wayn looga yaqaanay Deegaanka.

Dadkii ka dambeeyay dilka ama Gowraca Odayaashaas ayaa Goobta isaga tegay,iyada oo Meydka ay soo qaateen ehelada dadkaas.

Arrintaan ayaa lagu soo waramayaa in ay ka dhalatay xiisad xoogan, iyada oo duleedka deegaanka Abal maanta si weyn looga hadalhayo Saddexda Oday ee lagu gowracay.

Deegaanka Abal ayaa waxaa dhowr mar ku dagaalamay ciidamada Wadaadka Muqtaar Roobow iyo kuwa Shabaab ah taas oo sababtay geerida Wii uu dhalay Muqtaar Rooboow,waxana jirin ilaa iyo hadda cid ka dhashay oo ka tirsan Maamulka Gobolka Bakool ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.