Qiimeyn la sameeyay oo lagu ogaaday in Ciidamada xoogga dalka aanay hubeysneyn 30%

0

Qiimeyn iyo baaritaan lagu sameeyay Ciidamada Milateriga Soomaaliya ayaa lagu ogaaday in aanay hubeysneyn 30%, iyadoo uu jiro gaabis dhanka saanada ciidan oo aanay u dhameystirneyn Ciidamada

Qiimeynta oo si horudhac loo soo bandhigay ayaa la sheegay in 4 saldhig oo Al-Shabaab weerareen tan iyo bishii September ee sanadkan ciidamadii ka howl galayay aanay wax hub ah wadan.

Afarta saldhig ee Al-Shabaab weerareen ayaa lagu dilay illaa 60 askari, waxaana qiimeynta ay sheegeysaa in saldhigyadaas aanay oolin hub dhexe ama kuwa culus.

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan oo wareysi siiyay Idaacada VOA ayaa sheegay in dowladda ay isku dayeyso inay hubkooda u dhamaystirto, inkastoo badankooda ciidamadu hub haystaan.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya ay qeyb ka tahay in aanay Ciidamadu heysan hubkii loo baahnaa, sidaas darteed ay muhiim tahay in la qaado cunaqabateynta, si ciidamada hub tayo leh u helaan.

Ugu dambeyn Wasiirka ayaa sheegay in 26,000 askari oo ka tirsan ciidamada xoogga dalka la diiwaan geliyay, kaddib markii lagu sameeyay qiimeyn.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.