Sirdoonka Qatar oo la wareegay C/raxmaan C/shakuur+ Warbixin Xasaasiya

0

Saraakiil Ka Socda Sirdoonka Dowladda Qatar ayaa la wareegay Maanta Siyaasiga C/raxmaan C/Shakuur oo ku xiran Xarunta Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed.

HornAfrik ayaa ogaatay in Saraakiil Sirdoon oo Doha ka yimid la geeyay halka uu ku xiran yahay C/raxmaan C/shakuur, isla markaana ay Su’aalo waydiiyeen, iyagoona ka duubay Muuqaalo, Waxaana ay sidoo kale la wareegeen Saraakiishan Cunnadda iyo Daawadda la siinayo Siyaasigan oo markii la soo qabanayay ay dhaawaceen Ciidanka NISA, taasoo dad badan shaki galisay Tayadda iyo Cunadda ay Sirdoonkan siinayaan oo ay dhici karto xittaa in lagu daray Kiimikooyin sababi kara in Mustaqbalka dhow ay soo wajahdo Caafimaad darro.

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka oo ay la hadashay HornAfrik waxay waxaan la aqbali Karin ku tilmaameen in Sirdoon Dal kale uu Su’aalo ku dhex waydiiyo Muwaadin Soomaali ah Dalkiisa, taasoo ka hor imaanaysa Qawaaniinta iyo Madaxbanaanidda Dalka, Waxayna muujinaysaa Awoodda ay Dowladda yare e Qatar ku dhex yeelatay Hanaanka Dowliga ah ee Somalia.

Dowladda Qatar waxay horay u taageeri jirtay Kooxda Alshabaab iyo Kooxaha kale Xagjirka ah ee Somalia, iyadoo Siyaasadda Dowliga ahna ka soo dhex muuqan jirtay oo kaliya marka ay Doorasho ka dhacayso Soomaaliya oo ay hadba Musharixii danteeda wada siin jirtay Dhaqaale farabadan, balse Dowladda hadda jirta waxay ku dhex yeelatay Awood keentay in Go’aanadeeda Masiiriga ah laga maamulo Dooxa.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.