Nin Lagu Qabtay Qaraxyo oo Xoog loogala baxay Xabsiga Baladwayne.

0

Askari ka tirsan Ciidamadda Milatariga ah oo la qabtay isagoo Qaraxyo u gudbinaya Kooxda Alshabaab ayaa Xoog loogala baxay Xabsiga Magaaladda Baladwayne, iyadoona Askarigan ay Xukun ku riday Maxkamadda Ciidamadda Qalabka Sidda ee Soomaaliya.

Askarigan oo Magaciisa lagu sheegay Salaad Xasan Goclay ayaa Maleeshiyo hubaysan ay awood ugala baxeen Xabsiga Magaaladda Baladwayne, Waxayna taasi abuurtay qalqal xooggan oo laga dareemayo Magaaladda Baladwayne ee Xarunta Gobalka Hiiraan.

Salaad Xasan waxay ku heshay Maxkamadda Ciidamadda dambi ah in isagoo ka tirsan Ciidamadda lagu qabtay Qarax uu u gudbinayay Kooxda Alshabaab, taasoo ah Qiyaano Qaran iyo la shaqayn Cadow, ayna ka dhalan karto Xukuno Adag.

Saraakiil ka tirsan Ciidamadda oo ku sugan Baladwayne ayaa HornAfrik u sheegay in Maleeshiyaad u abaabulan qaab Qabiil ay xoog ula baxeen Salaad Xasan oo ahaa Xukunsane lagu helay in isagoo Ciidan ah uu gacan siiyay Argagixiso, Waxayna arrintan muujinaysaa Awood yaridda Maamulka Gobalka iyo Kan Degmadda, ayeey ku doodayaan Saraakiishan.

Ma jirto illaa iyo hadda cid ka tirsan Ciidamada ama Maamulka Gobalka oo ka hadlaya arrintan.

Gobalka Hiiraan ayaa waxaa ka howlgalla Ciidamo Nabad Illaalin ah oo ka socda Jabuuti, kana tirsan Howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.