Dagaal Culus Oo Ka Socda Degmada Afgooye

0

Wararka naga soo gaaraya degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in uu haatan halkaasi ka socdo dagaal u dhaxeyo Al-Shabaab iyo Ciidanka dowladda.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii ay weerar ku soo qaaden Al-Shabaab fariisin Ciidamada dowladda ku leeyihiin degmadaas gaar ahaan Koontoroolka Ciidanka ee Buundada Afgooye.

Weli macada khasaraha ka dhashay dagaalka ka socdo degmada Afgooye,waxana dadka deegaanka qaarkood ay sheegayaan in ay weli rasaasta maqlayaan.

Ciidamadda Dowladda ayaa inta badan soo baneeyay Difaacyadii Shabeelaha Hoose, kadib markii la weeraray Guriga Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur, taasoo ka caraysiisay Ciidamo badan oo iyagoo isku abaabulay Qaab Qabiil soo galay Magaaladda Muqdisho.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.