Xeer Illaaliyaha Guud oo Saaka Qoray Warqado Taariikh hore loo yeelay oo lagu fasaxayo Xariga Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur.

0

Xeer Illaaliyaha Guud ee Qaranka, Axmad Cali Daahir ayaa lagu soo waramayaa inuu Qoray Saaka Warqado loo sameeyay Taariikh hore oo ka soo baxay Xafiiskiisa oo lagu armayo Xariga C/raxmaan C/shakuur si loo xalaaleeyo Weerarkii aan oggolaanshaha Maxkamadeed haysan ee Xalay lagu qaaday Guriga uu dagan yahay Siyaasigaasi.

HornAfrik ayaa ogaatay in Saaka Waraaqahaasi laga qoray Xafiiska Axmad Cali Daahir, loona sameeyay Taariikh hore, iyadoona la waydiisanayo Garsoore inuu u fasaxo Xariga C/raxmaan C/shakuur, Waxaana lagu lifaaqay Warqad Garsoore oo la qoray Iyana Saaka oo lagu taariikheeyay Shalay, taasoo oggolaanaysa in la soo qabto C/raxmaan C/shakuur.

HornAfrik waxay ogaatay in sidoo kale Saaka ay Masuuliyiinta Dowlada la hadlayaan Warbaahinta, una sheegi doonaan in Garsoorku ka madax banaan yahay Laamaha Fulinta oo ay iyagu dalbadeen in la soo xiro C/raxmaan C/shakuur.

Sharci Yaqaanadda ayaa aaminsan in Warqad kasta oo la sameeyo aysan qiil u noqonayn wixii Xalay dhacay, Waxayna ku doodayaan inay ahayd in loo diro Warqad yeeritaan ah ka hor inta aan la weerarin, marka uu diidana la oggolyahay in Ciidan Boolis ah ay ugu tagaan Gurigiisa, una akhriyaan Amarka Maxkamadeed, kadibna soo kaxeeyaan, balse Xalay waxaas oo dhan ma dhicin waxaa Gurigiisa tagay Ciidamo NISA ah oo aan awoodba u lahayn Howlgaladda noocan ah, Waxayna toogteen dhamaan illaaladiisa iyo Gacan yarayaashiisii, iyagoo sidoo kalana bililaqaystay Guriga C/raxmaan C/shakuur.

Dowladda Somalia waxay sidoo kale diyaarinaysaa Warqado been abuur ah oo laga dhigayo in laga helay Guriga C/raxmaan C/shakuur, iyo Sawiro Lacago oo laga soo saaray Internet-ka, kuwaas oo laga dhigayo in laga soo helay Guriga C/raxmaan C/shakuur.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.