Waddooyinka Muqdisho Qaarkood Oo Maanta Xiran

0

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta xiray waddooyinka magaalada Muqdisho qaarkood, waxaana la arkayaa askar badan oo daadsan waddooyinkaasi.

Laga soo bilaabo isgoyska Zoobe, KM-4, wadada aadda dhanka Tarbuunka iyo qeyb kamid ah wadada Makka Al-mukarrama ayaa loo diidayaa iney isticmaalaan gaadiidka dadweynaha.

Lama oga sababta ka dambeysay in la xiro waddooyinkaan, iyadoo ciidamada ay darawallada gaadiidka ku wargelinayaan in aan la ogoleyn marista waddooyinkaasi.

Warar soo baxay ayaa sheegaya in Dowladdu ay Xiritaanka Wadooyinka uga hortagayso Kacdoon ka dhan ah oo laga filayay Saaka inuu ka billowdo Muqdisho, iyadoona Kacdoonkan ay dadku uga caraysan yihin weerarkii sababay dhimashada iyo dhaawaca ee xalay ka dhacay Guriga C/raxmaan C/shakuur, kaas oo ay ku qaadeen Ciidanka NISA.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.