Ugaas Dhagey “In La dhaho hadaad fikirkeyga ka hor-timaado baasuuke kula dhacaa wax la qaadan karo ma ahan

0

Senator Yuusuf Geelle Ugaas Dhageys oo ka tirsan Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka ayaa si kulul u cambaareeyay tallaabadii xalay Ciidamo ka tirsan kuwa Nabadsugida ay ku weerareen guri uu degenaa Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur.

Ugaas Dhagey oo ka hadlayay shir jaraa’id ay qabteen Xildhibaanada iyo Senatarada Beelaha Hawiye ayaa sheegay in wixii xalay dhacay ay aheyd arrin sharci darro ah, isla markaana C/raxmaan C/shakuur warqad laga geyn karay, bedelkii gurigiisa la weerari lahaa.

Waxaa uu sheegay in arrinta markii ay dhacday iyagoo Xildhibaano ah u tageen Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha, ayna ka dalbadeen in lagu soo wareejiyo C/raxmaan C/shakuur, balse markii dambe Madaxda ay ka dalbadeen in laga war sugo, hase ahaatee saacado kaddib  ay ka war heleen warka idaacadaha laga sii daayay ee ka soo yeeray Hey’adaha Ammaanka

“Anagoo markii hore la yaabaneyn labo Xildhibaan oo arrin aan sharci loo marin oo lagu beegsanayo la qaaday ayaa waxaa ku xigtay midii xalay dhacday oo ah guriga C/raxmaan C/shakuur la weeraray, waxaas waa cambaareynayaa, arrin sharci loo maray ma aheyn”ayuu yiri Ugaas Dhagey.

Labo xildhibaan si sharci loo marin la weerarayo, aad loo weerarayo taas anagoo la yaabaneyn mida kale xalay dhacday sida la socotaa waa nin siyaasi c/raxmaan warqad loo geeyo meeshaas imow

Senator Ugaas Dhagey ayaa sheegay in dalkan laga soo maray tanaasul badan, isla markaana meel adag laga keenay, isagoo ka digay in dib loo celiyo meel aanay habooneyn.

“Sanadkan2018 ayaa la geli rabaa iyo dimoqraadiyad, in hada la dhaho qorkii iga fikir duwan baasuuke ayaa la dhacayaa, wax la qaadan karo ma ahan, in dalkaan meeshi laga keenay iyo qori lagu celiyo waa arrin aad aad u cambaareyneyno, waxaa codsaneynaa in Cabdiraxmaan nagula soo wareejiyo”ayuu yiri Senator Ugaas Dhagey.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.