Siduu u dhacay Weerarkii Guriga C/raxmaan C/shakuur ay Xalay ku qaadeen Ciidanka NISA,?

0

Xalay waxay Ciidamadda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed weerareen Guriga Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur oo ka mid ahaa Musharixiintii u tartamay Jagadda Madaxwaynanimadda Somalia Doorashaddii dhacday February Sannadkan.

HornAfrik waxay dabagal ku samaysay sida uu Weerarkaasi u dhacay, waxayna ogaatay in Weerarkaasi shalay galab lagu diyaariyay Xarunta Nabadsugidda Gobalka Banaadir oo ah Halka loo yaqaan Godka Jilacoow, ayna wada agaasimeen Jaamac oo ah Ku Simaha Taliyaha NISA iyo Saadaq Joon oo ah Taliyaha NISA ee Gobalka Banaadir.

Gaadiid Dagaal iyo Ciidamo aad u hubaysan ayaa lagu diyaariyay  Godka Jilacoow, loomana sheegin halka ay u socdaan iyo waxay qabanayaan intii ay socotay Qabanqaabaddu, Waxaana ka war hayay Weerarka oo kaliya Saraakiil kooban oo loo qorsheeyay Howlgalka inay hor kacaan, iyadoona kadib 30 daqiiqo ka hor inta aan la dhaqaaqin dhamaan Askarta laga qaaday Taleefoonaddii Gacanta, loona sheegay waxay qabanayaan iyo siday u wajahayaan.

Ciidamadan oo amar ku qabay inay dili karaan cid kasta oo Guriga ku jirta ayaa waxay isku gadaameen Guriga Siyaasi C/raxmaan C/shakuur, waxaana kadib ay istaageen Albaabka Guriga, iyagoo ku amray Waardiyaha Guriga inay furaan Albaabka, balse Waardiyuhu waxa uu wargaliyay C/raxmaan C/shakuur inay taagan yihiin Ciidamo NISA ka tirsan, isna wuxuu amray in laga furo, waxaana u soo istaagay Barxadda Guriga, si uu ogaado waxay socdaan, kadibna waxay u sheegeen inuu xiran yahay oo uu fuulo Gaadiidka ay wataan.

C/raxmaan waxa uu waydiistay Ciidanka inay tusaan Warqad Maxkamadeed oo fasaxaysa soo qabashadiisa, Waxaana ay u sheegeen inaysan Warqadba aqoon ee ay tahay inuu fuulo Gaadiidkooda, intii ay socotay Doodu ayeey mar qura Ciidanka NISA mid mid u toogteen Illaaladii C/raxmaan oo aan dagaalamin, iyagoona markii horaba sii qorsheeyay oo mid kasta oo Illaaladda ka mida ku aadiyay 5 Askari oo qabay Amarka ah inay toogtaan, kadibna waxaa sidaas si la mid ah rasaas toos loogu furay C/raxmaan-ka laftigiisa, iyadoona rasaastaasi uu ka soo gaaray dhaawac, waxaana ku dhintay Labo Gacan yarayaashiisa ah.

Ciidanka NISA waxay kadib wateen C/raxmaan C/shakuur oo dhiig baxaya, waxayna iyaga oo aan u fidin adeeg Caafimaad geeyeen Xarunta Godka Jilacoow, halkaas oo cabaar kadib looga qaaday Gaariga Ku Simaha Taliyaha, Jaamac oo la aaday Xarunta Habar Khadiijo, Waxaana la galiyay qaybta hoose ee dhismahaasi, gaar ahaan Qolkii uu ku xirnaa Xasan Daahir Aways.

Xaaladda Caafimaad ee C/raxmaan C/shakuur ayaa hadda laga dayrinayaa, mana uusan helin Daryeel Caafimaad. Waxaana uu xiran yahay aragtidiisa Siyaasiga ah.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.