Guriga C/raxman C/shakuur oo la Weeraray iyo Isagoo Dhaawac ah oo ay qaateen Ciidanka NISA oo weeray Gurigiisa.

0

Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur ayaa lagu soo waramayaa in Gurigiisa ay Weerareen Ciidamo ka tirsan Nabadsugidda Somalia, iyadoona hadda isagoo Dhaawac ah C/raxmaan C/shakuur uu ku dhiig baxayo Gurigiisa.

Illo lagu kalsoonyahay ayaa HornAfrik u sheegay inuu sidoo kale Guriga kula jiro Xildhibaan Xasan Macalin oo Maanta uu eedeeyay Xeer Illaaliyaha Guud ee Qaranka.

Weerarka lagu qaaday Guriga C/raxmaan C/shakuur ayaa waxaa  amray Jaamac oo ah Ku Simaha Taliyaha iyo Saadaq Joon oo ah Taliyaha Nabadsugidda Gobalka Banaadir, Waxaana Howgalka hogaaminaya Aadan Dheere oo dhawaan si KMG ah loogu dhiibay Xilkii Taliye Jacfar Abuukar oo isagu horay u diiday inuu weeraro Siyaasiyiinta iyo Xildhibaanadda ka fikirka duwan Dowladda Somalia, taasoo loo sababaynayo inay la xiriirto xil ka qaadista Jacfar.

Ciidanka NISA ayaa intii uu xukumayay Jacfar uu ka hor istaagay in loo adeegsado in lagu caburiyo dadka ka fikirka duwan Dowladda Somalia.

Dagaalka ayaa hadda dhamaaday waxaana ay qaateen Ciidanka NISA Siyaasiga C.raxmaan C/shakuur oo Dhaawac ah, iyadoona laga yaabo inay ku qaarajiyaan Jidka intay sii wadaan.

 

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.